4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 12, 2023
Shirkadda Dahabshiil oo $200,000 ugu deeqday dadkii ku barakacay colaadda Laascaanood
 

Axad, February, 12, 2023 (HOL) - Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqday $200,000 bulshadii ka barakacday magaaladda Laascaanood, halkaas oo ay ka jirto colaad sababtay barakac ballaaran.

Deeqdaan ayaa isugu jirta Raashin, iyo Bustayaasha Dhaxanta, waxana qaybin doona masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil iyo dadka deegaanka degan.

Shirkadda Dahabshiil ayaa kamid ah shirkadaha safka hore uga jira garab istaagga bulshada mar kasta oo ay dhibaato dhacdo.

Bishii Octobar ee sannadkii 2022, shirkadda Dahabshiil ayaa $500,000 ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Soobe labo.

Deeqdan ugu dambeysa ayaa kusoo beegantay xilli kumanaan qoys ay ku barakaceen colaadda Laascaanood, kuwaas oo xaalado nololeed oo adag ku wajahaya inta u dhaxaysa Laascaanood iyo Garowe.

Dadkan oo hantidoodii ugusoo barakacay dagaallada Laascaanood, ayaa u baahan gargaar nuuc kaste ah.