4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 12, 2023
Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood

Axad, February, 12, 2023 (HOL) - Kulan balaaran oo ay Maanta ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya Culimaa'udiinka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa waxay kaga hadleen dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Culimadaan ayaa gabagabadii kulankooda soo saaray War murtiyeed ka kooban lix qodob oo dhamaan quseeya xaalada ka taagan magaalada Laasacanood, iyagoona ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka socda Laascaanood.

War murtiyeedka Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay soo saareen waxaa ka mid ahaa in Somaliland ay duqaynta ka joojiso Magaalada Laasacaanood, islamarkaana ciidamadeeda ka dulqaado magaalada.

"Waxaan ugu baaqeyna dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood iney deg deg ku joojiyaan dagaalka socda oo wax walba ay ku dhameeyaan wadahadal, dadku waa walaalo xukun jaceyl maaha in leysku laayo Alle halaga cabsado" ayuu yiri mid ka mid ah Culimada Soomaaliyeed dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale Culimadaan ay ugu baaqeen dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed iney u istaagaan daminta Colaada ka taagan Laascaanood, iyagoona xusay iney diyaar u yihiin iney hormuud ka noqdaan si walba oo lagu dhameyn karo xal u helida dagaalka Laascaanood.

Culimadaan ayaa sidoo kale magacaabay guddiga ka shaqeyn doono gurmad gaarsiinta dadka waxyeelada kasoo gaartay dagaalada ka socda Laascaanood, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan gargaar u fidinta walaalahooda ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalka maalintii 7,aad ka socda Laascaanood.

Hoos ka Daawo War murtiyeedka  Culimada oo dhameystiran:-