4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 12, 2023
Maalintii 7aad dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka socda magaalada Laascaanood
 

Axad, February, 12, 2023 (HOL) - Maalintii 7aad, magaalada Laascaanood waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, iyadoo weli magaalada ay ku socdaan madaafiic ku dhacaysa xaafadaha iyo goobaha dadweynaha.

Dagaalka ayaa maanta ka socda goobihii horey loogu dagaalamay ee duleedka Laascaanood, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaartay dhinacyada dagaalamaya.

laguma guulaysan xabbad joojintii ay Somaliland ku dhawaaqday, inkastoo Somaliland lagu eedeynayo inay ciidamadeeda madaafiic  aan loo aabo yeelin ku garaacayaan magaalada.

Dadkii shacabka ahaa ayaa magaalada badi isaga barakacay, waxayna intooda badan u barakaceen Garowe oo in ka badan 100 km u jirta Laascaanood.

In ka badan 50 qof ayaa ku geeriyooday dagaallada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Laascaanood, waxaana ku barakacay in ka badan 40,000 qof, kuwaas oo haatan barakac ku ah deegaano kale, sida Garowe.

Dhinaca kale, golaha garaaddada ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka falceliyey eedayntii ay Somaliland ku eedaysay in ciidamada deegaanku ay weerareen fadhiisinada milatariga oo ay iyagu jabiyeen xabbad joojintii ay xukuumaddu ku dhawaaqday.

Af-hayeenka garaaddada ayaa sheegay in mabda' ahaan aanay diidanayn xabbad joojin oo ay diyaar u yihiin laakiin laga maarmaan ay tahay in la helo shuruudihii ay ku hirgeli lahayd xabbad joojintaasi.