4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 12, 2023
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in la soo weeraray ciidamadeeda ku sugan Laascaanood
 

Axad, February, 12, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in saaka markale ciidamadeeda ay soo weerareen ciidamo beeleedka ku sugan Laascaanood, lakiin ay ciidanku is difaacis kaga jawaabeen, iyaga oo tixgalinaya go'aanka xabad joojinta.

"Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday kuna cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasiloonida magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd  5:30 AM dagaal ku soo qaaday ciidamada ku sugan Xeryahooda".

Xukuumadu waxay sheegtay in lasoo weeraray Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL, fadhiisimada ciidamada ee Laascaanood, isla markaana ciidanku dhankiisa uu weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, Ilaa hadana dagaalkii uu socdo.

Waxay sheegtay in ciidanku ay wali ku taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Somaliland, ee ay dhowrka jeerna ku celisay, in ay qaadatay xabad joojin hal dhinac ah.

Xukuumada ayaa sheegtay in shacabka Laascaanood ay lamidyihiin shacabka kale ee reer Somaliland, lakiin ay jiraan kooxo ay ku tilmaantay argagixiso, oo aan ogolayn in ay xabad joojontu hirgasho, kuwaaso oo gabaad ka dhiganaya shacabka.

Qoraalka xukuumada waxa lagu sheegay in maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya uu aaga Tukaraq ka wado dhaq-dhaqaaq ciidan isla markaana uu rabo in uu dagaal ka bilaabo johooyin cusub.

Ugu danbayntii waxa lagu yidhi qoraalka "Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka tahay".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]