4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 12, 2023
Xukuumada iyo ururada siyaasada Somaliland oo baaq wada jira kasoo saaray colaada Laascaanood
 

Axad, February, 12, 2023 (HOL) -  Kadib kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo 10 ka rurur siyaasadeed, ayaa laga soo saaray in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo iyo in xabad joojinta la taageero.

Waxa lagu heshiiyay in waxkasta oo khatar ku ah jiritaanka Somaliland si midaysan looga hortago, in xaalada Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wadahadal si xal waara looga gaadho nabadgalyo darada iyo colaada ka jirta Sool.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in madaxda 10 ka urur siyaasadeed ay taageeraan xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday, waxayna dhanka kale ugu baaqeen in ay fuliyaan xabad joojinta si colaada loo joojiyo, iyo in la sii wado dadaalada nabada lagu doonayo.

Waxa kale oo kasoo baxay in ururada siyaasadu ay gacan buuxda ka gaystaan dajinta xaalada Laascaanood, in taakulo iyo gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Laascaanood ee ay colaadu saamaysay.

Madaxweynaha iyo ururadu waxay ku heshiiyeen in ururadu si lamid ah saddexda xisbi ay awood u leeyihiin in laga tala galiyo arrimaha la xidhiidha doorashooyinka, isla markaana ururadu ay iska soo saaraan xubno ka qayb qaata wadahadalada doorashooyinka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]