4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 12, 2023
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay saldhig weyn oo Shabaab ku lahaayeen Jubbada hoose

Axad, February, 12, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Jubbaland ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay saakay la wareegeen saldhig weyn oo Alshabaab ku lahayd degaanka Qunbi ee gobolka Jubbada Hoose.

War kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanku ay dagaal kula wareegeen saldhiggaan oo la sheegay inuu ahaa mid muhiim ah oo ay gabbaad ka dhigan jireen Alshabaabka ku sugan deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Jubbaland waxay sheegtay inay jab xooggan u geysteen Shabaabkii ay la dagaalameen ayna ku furteen hub iyo saad ciidan.

Sidoo kale waxay sheegeen inuusan jirin wax khasaare oo howlgalka kasoo gaaray ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ah madaxa Howlgalada Jubbaland ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen la wareegida deegaanada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.