4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 11, 2023
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay colaada Laascaanood iyo xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday

Sabti, February, 11, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay wali ku taagantahay go'aankeedii xabad joojinta collaada Laascaanood, waxayna garaadada ku eedaysay in anay diyaar u ahayn xabad joojinta.

"Xukuumadda J. Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii  ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska bedelin xukuumadda JSL waxa ay caddaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay xukuumadu soo saartay.

Xukuumadu waxay garaadada ku eedaysay in ay u muuqdaan in ayna diyaar u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, isla markaaana ay maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadeen ciidamada.

Dhinaca kale, Xukuumaddu waxa ay u digaytay maamul goboleedka Puntland oo ay sheegtay in uu ciidamo tirro badan keenay aagga Tukaraq taasi oo keeni karta isku dhac ciidan, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda.

Xukuumadda waxay ku andacootay in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho oo uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo qaranimada Somaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ah.

Waxa ugu danbayntii, lagu yidhi "Xukuumadda JSL waxa ay u caddaynaynaysaa mar kale bulshada Soomaaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta Xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee ay xalay  ku dhawaaqday kana go’antahay".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]