4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 11, 2023
Odayaal iyo waxgarad Baledweyne ugu xirnaa la macaamilka Al-shabaab oo Maanta xabsiga laga sii daayay

Sabti, February, 11, 2023 (HOL) - Ku dhawaad 10 ruux oo isugu jira Odayaal nabadoono iyo dad beeraleey ah oo mudo dhowr iyo toban cisho ah ugu xirna dowladda Soomaaliya xabsi ku yaala magaalada Baledweyne ayaa Maanta dib u helay xuriyadooda, kuwaas oo u xirnaa macaamil ay la soo sameeyeen kooxda Al-shabaab.

Odayaashaan oo ku eedeysnaa iney Al-shabaab lasoo galeen heshiisyo ayaa iska fogeeyay iney wax heshiis ah lasoo galeen Shabaab, hayeeshee ujeedkoodu uu ahaa sidii ay ku goosan lahayeen dalagyo ugu beerna beerahooda.

"Anaga Al-shabaab heshiis lama galin ee waxa uu ujeedkeenu ahaa inaan goosano dalagyo noo beerna oo qarash badan naga galay afar sano oo abaar ah kadib, marka anaga heshiis uusann Xawaadle raali ka aheyn maba gali karin mana galin ee muhiimada aan ula kulanay waxay aheyd inaan beeraha ka goosano dalaga" ayuu yiri mid ka mid Nabadoonada Maanta laga sii daayay Xabsiga Baledweyne.

Odayaashaan iyo beeraleyda ayaa sidoo kale raali galin toos ah ka bixiyay la macaamilka ay lasoo macaamileen kooxda Al-shabaab, iyagoona balan qaaday ineysan markale la macaamili doonin Al-shabaab oo ay u hogaansamayaan amarka dowladda Soomaaliya ee ku aadan inaan lala macaamili karin kooxda Al-shabaab.