4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 11, 2023
Jubbaland oo ka hadashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo saakay ka dhacay degmada Afmadow
 

Sabti, February, 11, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka Jubbaland ee degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay iney fashiliyeen weerar aroornimadii hore ee saakay kaga yimid kooxda Al-shabaab oo ku bilaawday qaraxyo Ismiidaamin ahaa.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ee degmada Afmadow Mahad Maxamed Islaam oo la hadlay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka hortageen ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow, islamarkaana ay gantaal ku dhufteen mid ka mid ah labada baabur ee ku rarna waxyaabaaha qarxa.

"Waan ka hortagnay weerarka kooxda Argagixisada ah saakay nagu soo qaadeen gaarigii koowaad waxa uu ku qarxay meel cidla ah oo ah banaanka kore ee xerada midka labaadna gantaal ayaan ku dhufanay isago banaanka magaalada soo socda, marka cadawga sida ay wax u rabeen maysan noqon" ayuu yiri Taliye Mahad Maxamed Islaam.

Wuxuu sidoo kale sheegay ineysan jirin wax khasaare dhimasho ah oo dhankooda ka soo gaaray weerarka saakay lagu soo qaaday, hayeeshee ay jiraan 6 askari oo dhaawacyo fudud kasoo gaaray weerarka.

Taliyaha ayaa hadalkiisa intaa ku daray in kooxdii Shabaab ee weerarka soo qaaday uu gaaray khasaaraha ugu badan, islamarkaana ciidamada Jubbaland ay toogasho ku dileen xubno badan oo ka mid ah Al-shabaab, balse taliyaha muusan sheegin tirada rasmiga ah oo ay ka dileen Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay  aroortii hor ku waabariistay laba gaari oo qaraxyo ah iyo rasaas xoogan oo ay is dhaafsadeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Ururka Al-Shabaab.