4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 11, 2023
Xukuumada iyo axsaabta mucaaradka Somaliland oo go'aamo wadajira kasoo saaray xasarada Laascaanood

Sabti, February, 11, 2023 (HOL) - Madaxweynaha iyo axsaabta mucaaradka Somaliland, ayaa go'aamiyay in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo, xabad joojinta in la taageero iyo go'aamo kale.

Shir madaxweyne Biixi iyo axsaabta mucaaradku ay ku yeesheen madaxtooyada ayaa lagu go'aamiyay in arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.

In saddexda xisbi ay soo dhaweeyeen, taageeraana xabbad joojinta xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.

Waxa kale oo kulanka laga soo saaray in khilaafka doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.

In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo dadka ka qaxay magaalada.

Ugu danbayn, in arrimaha taagan si wada jira ay uga wadatashadaan madaxda axsaabta siyaasada iyo xukuumada Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]