4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 11, 2023
Cutubyo kamid ah ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliay oo dib loogu celiyay dalkooda
 

Sabti, February, 11, 2023 (HOL) - Cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa laga saaray gobolka Hiiaran, iyagoo dib ugu laabtay dalkooda.

Ciidamadan oo fadhigeedu ahaa saldhiga degmada Jalalaqsi ayaa lagu ammaanay inay qeyb weyn ka qaateen gulufyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, iyagoo xiriir wada shaqeyn ah la lahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS Col. Xasan Jaamac Faarax, ayaa ku bogaadiyay ciidamadan sida ay u horumariyeen ujeeddooyinka howlgalka ee ah ilaalinta nabadda iyo xasilloonida aagga ay ka howlgalaan.

Col. Faarax ayaa ka codsaday ciidamada lagusoo beddelayo inay ku daydaan dhiggooda xilka kasii degaya, ayna xaqiijiyaan soo celinta nabadda iyo amniga goobaha ay ka howlgalayaan.

"Waxaan ku boorineynaa guutada imaaneysa inay si adag u shaqeeyaan oo ay gaaraan xitaa wax ka badan wixii horay loo qabtay," ayuu raaciyay.