4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 11, 2023
Somaliland oo sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeeda dagan Laascaanood
 

Sabti, February, 11, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in saaka ciidamada garaadada taabacsani ay soo weerareen ciidankeeda, kadib xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday.

Qoraal lagu baahiyay boga Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxo xagjir ahi, ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidanka millateriga ee duleedka Laascaanood.

"Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii".

Xukuumada ayaa inta ku dartay in dagaalka saaku uu imanayo xili ay ka xukuumad ahaan xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, xukuumadu waxay sheegtay in kooxo argagixiso ahi ay ka danbeeyaan weerarka, iyaga oo doonaya in anay dhaqangalin xabad-joojintu.

Dhankooda garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland kusoo duushay isla markaana sida kali ah ee nabad lagu heli karaa ay tahay in ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka, iyaga oo sheegay in xukuumadu xabad joojinta ugu marmarsiyoonayso in ay weeraro cusub qaado.

"Ma muuqato nabadgalyo waxaanan umalaynayaa in ay ku banaysanayaan in ay weerar cusub berri soo qaadaan" Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo ah afhayeenka guddida 33-ka ah ee maamulayay shirkii Laascaanood ayaa sida u sheegay Gaylan Media.

Wali lama oga hadii uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka saaka mar kale dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamo beeleedka taabacsan garaadada ee magaalada ku sugan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]