4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 10, 2023
Xukuumada Somaliland oo ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruuda
 

Jimco, February, 10, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, oo ay ku joojinayso dagaalka Laascaanood.

Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruuda, kadib markii wasiirada arrimaha guddaha iyo warfaafintu sida ka sheegeen magaalada Caynaba.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa isna qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyay ku sheegay in xukuumadu ay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruuda, xili ciidamada ay weeraro kaga imanayaan ciidamo beeleedka Laascaanood ku sugan.

"Golaha Wasiirada Somaliland ee Laascaanood waxay billo ku baaqayeen daganaansho, nabad iyo is faham dhexmara bulshada Laascaanood iyo dowlada, dowladu waxay ogolaatay xabad joojin bilaa shuruuda, iyadoo ay jireen weeraro maleeshiyaadku kusoo qaadayeen ciidanka" ayuu yidhi Caateeye.

Xabad joojinta xukuumada ayaa imanaysa kadib markii xalay uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku taliyay in xukuumadu ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si nabada loogu gogol xaadho.

Waddamada beesha caalamka ayaa iyaguna dhinacyada ugu baaqay in ay xabada joojiyaan oo ay iskugu yimaadaan miiska wadahadalka, colaadana lagu dhameeyo wada xaajood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]