5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2023
Abwaan Jaamac Kadiye oo ku geeriyooday madaafiic lagu garaacay Magaalada Laascaanood

Arbaco, Agoosto, 16, 2023 (HOL) - Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Jaamac Kadiye Cilmi, ayaa galabta ku geeriyooday madaafiic la sheegay in ciidamada Somaliland ay la beegsadeen magaalada Laascaanood.

Abwaanku waxa uu kamid ahaa suugaanyahanada ugu caansan Soomaalida, isaga oo intii uu noolaa tiriyay suuggaan caan baxay oo taabanaysa dhamaanba qaybaha kala duwan ee nolosha, waxaana uu kamid ahaa dadka lagu xasuusto soo gudbinta silsilad suuggaanneedii Guba.

Abwaanka ayaa ku dhashay magaalada Laascaanood, oo uu galabta ku xijaabtay isaga oo ku jira da'da todobbaatanaadka, Kadiye ayaa horaantii suuggaantiisa gabayada ka akhriyi jiray idaacadaha Radio Hargaysa iyo Radio Muqdisho.

Abwaanka ayaa aad usoo caanbaxay sannadadii todobbaatanaadkii, intii uu socday dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya, xiligaas oo uu suuggaan uu ku dhiirigalinayo ciidamada Soomaalida uu ka tirin jiray raadiyaha.

Abwaanku wuxuu kamid ahaa dadka kasoo horjeeday joogitaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood. Wuxuu hadda qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqyada lagu dhisay SSC- Khaatumo.

AUN. Abwaan Jaamac Kediye waxaa dilkiisa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan ciidamada Somaliland, kuwaas oo galabta duqeymo aan loo meel dayin ku garaacay magaalada Laasaacnood.