5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2023
Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis horumarineed oo cusub

Axad, April, 23, 2023 (HOL) - Soomaaliya iyo Serbia ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ay labada dal ay iska kaashan doonaan mashaariic horumarineed oo dhowr ah.

Heshiiskaan ayaa waxaa lagu kala saxiixday kulan dhex maray Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa magaalada Belgrade Aleksandar Šapić.

Heshiiskan cusub ayaa labada dal ay isaga kaashan doonaan ballaarinta caasimadooda Muqdisho iyo Belgrade iyadoo injineerada labada dal ay daraasad ku sameyn doonaan nidaamka bullaacadaha ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay dejin doonaan qorshe lagu horumarinayo maamulka gaadiidka.

"Magaalooyinka Belgrade iyo Muqdisho waxay lahaayeen taariikh dheer oo wada shaqeyn dhow ah, waxaana rabnaa inaan hubinno in dhaqankan uu sii socdo oo ay ka faa'iidaystaan dadka deggan labadan magaalo," ayuu yiri Duqa  Šapić.

Danjire Axmed ayaa sheegay in uu si gaar ah farriin uga siday Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku baaqay in dib loo soo celiyo xiriirkii taariikhiga ahaa ee labada magaalo.

Wuxuu intaas ku daray in tan iyo markii dib loo furay safaaradda Soomaaliya ee Belgrade uu xiriirka labada dal uu si wanaagsan u soo hagaagay oo ku saabsan iskaashiga mashaariicda horumarineed ee kala duwan.