5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2023
Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in ay Somaliland la dagaalamayaan ciida kadib

Jimco, April, 21, 2023 (HOL) - Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in ay ciidamada Somaliland la dagaalamaya wixii ciida ka danbeeya.

Waxa uu sheegay in ay tudhaale ku jireen markii hore lakiin ciidamada Somaliland anay waxba la hadhin sida uu sheegay, isla markaana ay hada kadib dagaalami doonaan.

"Wali inagu in aynu tudhaale ku jirnaad moodaa iyaguna anay waxba la hadhayn, qaniinyo ayaa qaniinyo ayaa kaa goysa, waxaanu caalamka iyo dowlada Soomaaliyeedba u sheegayna dulqaadkii waa naga soo dhamaaday, wixii ka danbeeya maanta ciida wax aanu la hadhayna ma jirto" ayuu yidhi Garaad Cali.

Waxa uu sheegay in uu Somaliland ugu baaqayo in ay ciidankeeda kala baxdo deegaanada SSC, wuxuuna sheegay in loo bahanyahy in midnimada Soomaaliya la ilaaliyo, oo laga hortago wixii dhibaataynaya.

Waxa uu sheegay in taladoodutahay in ay ka tashadaan talada deegaankooda, isla markaana anay cid kale u daba fadhiisan cid kale talada deegaanada SSC sida uu hadalka u dhigay.