5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2023
Xildhibaan Yaasiin Fareey oo faahfaahin ka bixiyay dagaal ka dhacay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

Khamiis, April, 20, 2023 (HOL) - Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo la yaqaano Yaasiin Fareey oo ku sugan jiida hore ee dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal qaraxyo ku bilaawday oo shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in weerarka shalay uu ahaa mid kooxda ay kusoo qaaday deegaanka, hayeeshee ciidamada iskaahanaya ay iska caabiyeen, islamarkaana uusan jirin khasaare soo gaaray dhankooda marka laga reebo gaadiid xerada ciidanka dhex yaalay oo uu sheegay in waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xaalada deegaanka iney tahay mid degan oo ay wali si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

“Qaraxyo ayay kusoo weerareen magaalada, markii dambana waxaa la’isla soo gaaray illaa maqribadii. Magaalada hadda jawigeeda waa xasilan yahay, iyaguna ma joogaan ciidamada dowladda ayaa ku sugan wax hadda oo khasaare weyn ma jiraan, Ciidamada waa ay ka feejignaayeen, waana aga war hayey, marka sidaas ayaa looga hortay" ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Dagaalka Shalay ka dhacay deegaanka Budbud ayuu sheegay Xildhibaanka inuu ahaa mid socday waqti kooban, islamarkaana kooxda ay dib u carareen.

“Cadowga wax badan ma joogin waa intii yareyd oo qaraxyada ay dhaceen ayaa weerar wax ka yar saacad kaliya socday ayaa ka dhacay meesha” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Weerarkaan Al-shabaab ee Shalay ku qaadeen deegaanka Budbud ayaa imaanaya, iyadoo maalmo kooban ka hor lagala wareegay gacan ku heynta deegaankaan oo ka tirsan deegaanada muhiimka ah ee gobolka Galgaduud.