5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga
 

Arbaco, April, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta u magacaabay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

"Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG ayaa tilmaamay in Ergaygan aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha Carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda soo galootiga, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah.

Ergaygaan Maanta la magacaabay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa horay waxay u ahayd Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ee Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, taasoo horay uga soo shaqeesay in dalka dib loogu soo celiyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada dalalka Caalamka.

Magacaabista Marwo Maryan Yaasiin ayaa ka dhigan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay Ergaygii lixaad mudo sanad ka yar oo ah inta uu xafiiska joogo.