5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay Wafdi ka socday dalka Norway
 

Arbaco, April, 19, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi heer Caalami ah oo ka socday Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Norway.

Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa wafdiga ka socday Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Norway kala hadlay sidii loo sii horumarin lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Norway.

"Waxaan maanta kulan kula yeeshay caasimadda dalkeenna ee Muqdisho wafdi heersare ah oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Norway. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Dowladda Norwey waxaan iska kaashannaa kor u qaadidda hawlaha Ammaanka, dhaqaalaha, arrimaha samafalka, tayeynta hay’adaha maamulka, hawlaha dimoqraadiyeynta iyo gacan siinta ururada bulshada" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.

Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowladaha muddada dheer taageerada joogtada ah la garab taagnaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana gudaha Soomaaliya ka jooga oo ka hawlgala hay’ado kala duwan oo door muhiim ah ka qaata horumarka dalka.