4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Puntland oo gacanta ku dhigtay Shabaab kasoo baxsaday howlgallada ka socda Hiraan iyo Galgaduud
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal gaashaanle sare, Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Shabaabkan lagu qabtay magaalada Garowe, haddana ay ku xiran yihiin xarumaha ciidanka, iyadoo baaris ay ku socoto.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay Shabaabka lagu qabtay kantaroolada Garowe, kadib markii uu sheegay inay Puntland gashay heegan amni oo ay kaga gaashaamanayso inay deegaannadeeda usoo gudbaan firxadka Alshabaabka ee kasoo baxsanaya Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliyuhu wuxuu sheegay in maalmaha soo socda raggaan lasoo taagidoono maxkamadaha, si caddaaladda loo marsiiyo.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay inay Puntland heegan amni galisay dhulka xeebaha, ka gadaal markii ay soo baxeen warar ku saabsan in Shabaabka ku sugan Xarardheere ay doonayaan inay kusoo baxsadaan doonyo dhinaca Puntland.