4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2022
Daraasad lagu ogaaday hab fikirka siyaasadeed ee shacabka Somaliland
 

Khamiis, September, 22, 2022 (HOL) - Daraasad lagu sameeyay shacabka Somaliland ayaa lagu ogaaday heerka aaminsanaanta shacabka ee qaranimada Somaliland, heerka taageerada ay u hayaan xisbiyada siyaasada, halka ay ka taaganyihiin khilaafka siyaasadeed iyo arrimo kale oo muhiima.

Daraasadan oo ay Akadamiyada Nabada Ee Somaliland ka samaysay 6-da gobol ee Somaliland, ayaa lagu ogaaday in shacabka Somaliland ay 95% ku qanacsanyihiin madaxbannaanida Somaliland, ayna rabaan in ay ku sii socdaan jidka gooni isu taaga.

Shacabka ayaa sidookale baadhayaashu wax ka waydiiyeen ta ay doonayaan in ay soo horayso doorashada madaxtooyada iyo doorashada urrurada, waxayna 80% u codeeyeen in doorashada madaxtooyadu soo horayso, halka ay furista urrurada siyaasadana ku taageereen cod dhan 84%.

Waxa kale, oo shacabka la waydiiyey cida ay dooran lahaayeen hadii imika ay tartamaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, 32.9% ayaa sheegay in ay dooran lahaayeen musharax Cirro, 32%-na waxay sheegeen in ay dooran lahaayeen Madaxweyne Biixi, halka ay 3.7% sheegeen in ay u codayn lahaayeen Guddoomiye Faysal, lakiin 31% ayaa sheegay in anay midkoodna doonayn.

Daraasada ayaa sidoo kale, lagu ogaaday in 49% shacabku ay qabaan in madaxweynuhu shaqadii loo doortay kasoo baxay, 29% ayaa sheegay in uu waxna qabtay waxna u dhiman yihiin oo dhexdhexaadnimo qaatay, halka 15% ay sheegeen in anay ku qanacsanayn wax qabadka madaxweynaha.

Shacabka oo wax laga waydiiyay cida ay taageeri lahaayeen hadii saddexda xisbi ee hada joogaa ay ku tartamaan doorashada urrurada ayay 28% kamid ahi sheegeen in ay u codayn lahaayeen Waddani, 25% ayaa sheegay in ay u codayn lahaayeen Kulmiye, halka 3.7% ay sheegeen in ay u codayn lahaayeen xisbiga UCID.

Waxa kale oo la waydiiyay hadii ay u dagaalami karaan xisbi ama siyaasi, iyo halka ay ka taaganyihiin mudo kordhin madaxweynaha loo sameeyo, 74% ayaa sheegay in ayna u dagaalamayn xisbi ama siyaasi dartii, halka 9% ay sheegeen in ay u dagaalamayaan, dhinaca kale 48% ayaa ogolaaday in madaxweynaha mudada loo kordhiyo halka 40% ay kasoo horjeesteen.

Daraasadan oo aynu kasoo qaadanay qodobada taabanaya arrimaha siyaada oo kali ah, ayaa soo bandhigtay xaqiiqooyin kale oo taabanaya nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshada, sida heerkooda aqooneed iyo arrimo kale oo tirro badan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]