5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo baabi'iyay guddiyadii golaha adeegga garsoorka iyo la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladdii hore ay dhistay
 

Axad, October, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku baabi’iyay guddiyada golaha adeega garsoorka Soomaaliya iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaas oo ahaa labo guddi oo ay sameysay ama howlgalisay dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa baabi’inta labadan guddi sabab uga dhigay, isagoo tixraacayay qoraal bishii 12-aad ee 2021, ka soo baxay Aqalka Sare, qoraalkaas oo lagu sheegay in xubnaha golaha adeega garsoorka iyo xubnaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan dastuurka iyo xeerarka waafaqsan.

Madaxweynaha ayaa xukuumadda faray inay si degdeg ah u soo dhisto labadan guddi ee uu kala diray, si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka iyo magaacaabista guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidoo kale wuxuu baabi'iyey dhammaan wixii go'aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey labadan guddi, sida lagu sheegay bayaan kasoo madaxtooyada Soomaaliya.