5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2022
Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS oo furay xarumaha laga hagayo hawlgallada ka dhan ah Alshabaab
 

Axad, October, 9, 2022 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya ATMIS ayaa furay xarumo wadajir ah oo laga hagidoono Hawl-gallada, si kor loogu qaado isku-dubbaridka iyo qorsheynta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, ayaa sheegay in xarunta howlgallada wadajirka ah ee loosoo gaabiyo JOCs ay taageerayaan fulinta go’aamadii kala duwanaa ee Qaramada Midoobay ee ahaa in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka.

“Kulamo wada-tashi ah ayaa dhex maray ATMIS-ka iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si dib loogu habeeyo ATMIS-ka iyadoo la tixgalinayo muhiimadaha shaqo ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Lt. Gen. Ndegeya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Sidaas darteed, xarumaha howlgallada wadajirka ah waxa ay noqon doonaan kuwo ka shaqeeya dhammaan qeybaha kala duwan si ay isugu xiraan howlgallada Alshabaab.’

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya, C/fitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in guulo laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ay iska kaashanayeen ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, howl-galladaas oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa ATMIS hirgelinta Xarumaha Hawlgallada Wadajirka ah, taas oo wanaajin doonta isku xirka ciidamada Soomaaliya iyo ATMIS. Saraakiisha isku duuban iyo wada shaqeynta ayaa xaqiijin doonta howlgallada wax ku oolka ah,” ayuu yiri wasiir Qaasim.