5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2022
Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerar ciidanka milatariga Soomaaliya ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Alshabaab
 

Axad, October, 9, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Ilo-wareedyo Milatari ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka ay ku guuleysteen in ay kala eryaan dagaalamayaal katirsan Alshabaab oo isku uruursanayay deegaanka.

"Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa iska kaashanaya howlgalka socda ee lagu soo qabanayo haraadiga cadowga," sidaasi waxaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay ilo-wareedyo kala duwan.

Dhamaadkii Sebtembar, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa u suurtagashay in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan in ka badan 40 deegaan oo miyi ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegtay inay xirtay 40 ka mid ah akoonnada Twitter-ka iyo Facebook-ga oo ay Alshabaab ku faafin jirtay afkaaraha xagjirnimada, sida dowladdu sheegtay.