5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay liiska warbaahinta Alshabaab ee hawada laga saaray
 

Axad, October, 9, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay liiska warbaahinta Internet-ka iyo baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ee ay dowladdu sheegtay inay hawada ka saartay.

Waa liis ka kooban toban warbaahineed oo website ah iyo hal channel oo telegram ah. inkastoo dowladdu markii hore ay sheegtay inay yihiin 40 warbaahinood.

Go’aan ka soo baxay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta inay ka qeyb qaataan ilaalinta amniga Qaranka.

Marka lagasoo tago go’aanka dowladda, weli baraha internetka Alshabaab ayaa si caadiya weli u shaqeynaya qeybo kamid ah gobolada dalka, taasoo ka dhigan in shirkaddaha isgaarsiintu weli aysan fulin go’aanka dowladda kasoo baxay.

Wasaaradda isgaarsiinta iyo boostada Soomaaliya ayaa sheegtay in xiritaanka baraha Alshabaab ay u martay sharciga isgaarsiinta Soomaaliya ee soo baxay 2017.