5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2022
Askar katirsan ciidanka Puntland oo ku geeriyooday qaraxyo lagula eegtay gobolka Bari
 

Sabti, October, 8, 2022 (HOL) - Ku dhawaad shan askari oo katirsan ciidanka mariiniska Puntland ayaa ku geeriyooday, halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen labo qarax oo lagula eegay buuralayda gobolka Bari.

Labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamadan ayaa qaraxyo lagula eegtay deegaanka Sugure oo ku dhow tuulada Galgala oo 40km dhinaca koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso.

Weerarkan oo dhacay saakay ayaa ciidamada lala eegtay xilli ay socdaal ku jireen. Waxaana dhimashada iyo dhaawaca loo qaaday magaalada Bosaso, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Ururka Alshabaab oo saldhiyo qarsoodi ah ku leh buuraha Galgala ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan weerarkan, iyagoo weeraro nuucaan ah horey uga geysteen buuralayda gobolka Bari.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay, xilli taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland uu maalmihii ugu dambeeyay kormeer ku marayay ciidamada ku sugan saldhigyada kuyaalla buuralayda gobolka Bari.