5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 21, 2022
Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF oo isku afgartay inay isugu imanayaan miiska wadahadalka
 

Jimco, October, 21, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ee gacanta ku haysa gobolka Tigray ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin wada hadalada nabadeed ee dhex mari doona iyaga iyo dowladda Itoobiya, kaas oo loo ballansan yahay Isniinta soo socota.

Dhanka kale mar sii horaysay ayaa masuul u hadlay Dowlada Itoobiya waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay ka qayb gasho wada hadalladan.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay labada dhinac ku cadaadiyeen in xabbad joojin la sameeyo, la isuguna yimaaddo miiska wada hadalka, si loo gaaro xal nabadeed.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Itoobiya ay maalmihii lasoo dhaafay sheegtay inay degaanno hor leh ka qabsadeen TPLF, isla markaana xarumaha muhiimka ah ay gacanta ku dhigayaan.

Dagaallada u dhaxeeya Itoobiya iyo TPLF ayaa muddo soo socday, iyadoo dagaalladaasina ay ku dhinteen dad aad u badan kuwa kalena ay ku barakaceen, halka gobolka Tigray oo ah gobolka uu dagaalku ka billaabmay uu noqday mid go'doon ku jira oo dunida inteeda kale ka xiran.