5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 20, 2022
Wasaaradda dekedaha Soomaaliya oo hay'adaha amniga u gudbisay ganacsato ka cabanaya in xogtooda ganacsi loo gudbiyo Alshabaab
 

Khamiis, October, 20, 2022 (HOL) - Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay'adaha amniga ay la wadaagtay cabasho uga timid ganacsatada Soomaaliyeed, oo sheegay in xogta ganacsigooda lala wadaago kooxda Alshabaab.

Wasaaradda dekedaha ayaa hay’adaha amniga ka codsatay in baaritaan loogu sameeyo cid kaste oo ku lug leh in xogta ganacsatada loo gudbiyo Alshabaab islamarkaana cidii lagu helo laga qaada talaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Wasaaraddu waxay diginin xooggan u dirtay shirkadaha adeegga maraakiibta, iyadoo u sheegtay in ganacsigooda dowladdu la wareegi doonto lana la kulmi doonaan ciqaad adag.

Dhawaan, wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegay inuu wasaaradda dekedaha u gudbinayo illaa afar shirkadood oo wax soo dajiya, kuwaas oo uu sheegay inay xogta ganacsiyada laga soo dejiyo dekedaha ay u gudbiyaan Alshabaab.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Nootaayooyinka Muqdisho kuyaalla ay dhammaantood u shaqeeyaan Alshabaab una gudbiyaan macluumaad hanti kala iibsiga.

Maalmo ka hor, dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay shakhsiyaad Soomaali ah oo loo haysto inay Alshabaab u qaabilsan yihiin maalgalinta iyo heshiiyada ganacsi ee Alshabaab kula jirto shirkaaha maxaliga ah ee dalka.