5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 20, 2022
Wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw gaaray magaalada Baledweyne


Khamiis, October, 20, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga Raysal wasaaraha.

Wafidga Raysal wasaare Xamse waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweeyay masuuliyiin isugu jira heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano, madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yusuf Axmed hagar Dabageed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan masuuliyiin kale iyo dadweyne fara badan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada Baledweyne.

Ujeedada socdaalka wafdiga Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay xoojinta dagaalka dowladda iyo dadka deegaanka ay kula jiraan Al-shabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ay kula jiraan Shabaab.

Wafidga raysal wasaaraha waxaa saakay uga sii horeeyay magaalada Baledweyne xubno ka tirsan Golahiisa Wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo Wasiirka Haweenka, kuwaas oo Baledweyne u tagay iney ku soo dhaweeyaan wafdiga Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Safarkaan uu Maanta Baledweyne ku tagay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya kiisii labaad uu ku tago Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilka wasiirka koowaad ee Soomaaliya.