5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 20, 2022
Kenya oo 3 bilood gudaheed in ka badan 8-million-dollar uga soo xarootay u dhoofinta Qaadka Miirwoga ee Soomaaliya
 

Khamiis, October, 20, 2022 (HOL) - Kenya ayaa dhoofinta Qaadka Miirowga ee ay u dhoofiso Soomaaliya ka heshay lacag dhan 4 bilyan oo lacagta dalkeeda ah, oo u dhiganta lacag ka badan 8 millon oo dollar, muddo saddex bilood ah markii uu dib u billaabmay dhoofinta Qaadka.

Madaxa Qaadka Miraa iyo dalagyada kale ee warshadaha, Felix Mutwiri ayaa sheegay in Kenya illaa hadda ay dhoofisay 1.4 milyan oo kiilogaram oo Miirow ah kadib markii labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka heshiiyeen dhoofintiisa.

"Waxaan ilaa hadda dhoofinay 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miira ah tan iyo markii aan dib u bilownay suuqa Soomaaliya bishii Luulyo, waxaana wali wadnaa wadahadallo lagu kordhinayo tirada maalmaha soo socda," ayuu yiri Mr Mutwiri.

Kenya ayaa Kiilada qaadka Miirwoga ee Soomaaliya loosoo dhoofiyo waxay ka hesha $23.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii July ogolaatay in Qaadka Kenya la geeyo gudaha Soomaaliya, kadib wada hadalo ay yeesheen madaxda labada dal.

Qaadka ayaa laga joojiyey Soomaaliya, markii ay labada dal isku hayeen arrimaha Badda iyo faragalin ay Kenya ku haysay arrimaha Soomaaliya.