5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 20, 2022
Ra'iisal Wasaare Xamse " Cadow waxaa jira aynu wada leenahay oo dadkuna wada leeyihiin oo ah Argagaxisada Al Shabaab"

Khamiis, October, 20, 2022 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdigiisa oo ay weheliyaan masuuliyiinta u sarreysa dowlad degaanka Soomaalida oo u horreeyo Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa waxay socdaal ku mareen magaalooyinka Dhagaxbuur, Qabridahare iyo Godey, halkaas oo ay kulamo gaagaaban la qaateen shacabka ku dhaqan aaggaas.

Kulamadaas ayay Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Shacabkuba kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amniga isla markaana la isaga kaashan la dagaallanka kooxda Al Shabaab, oo Ra'iisal Wasaaruhu ku tilmaamay Cadow Argagaxiso ah oo dhibaato ku haya ummada Soomaaliyeed.

" Shacabka Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda waxay go'aansadeen iyaga iyo dowladduba in la iska kor qaado gumaysiga Argagaxisada Al Shabaab, haddaba mar haddii go'aankaas la qaatay oo abaabulkii uu socdo dagaalladiina ay socdaan, waxaa qasab ah in la iska kaashado sidii Al Shabaab loo dhaafin lahaa Soomaaliya iyo geeska Afrika, taas ayaanu idin ku nimid". ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu mar uu la hadlayay qaar kamid ah shacabkii ku dhaqanaa magaalooyinkii ay shalay booqdeen.

Ra'iisal Wasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in rajo fiican ay jirto oo iyaga iyo dowladda Itoobiya ay isla meel dhigeen in hal dhinac looga soo wada jeesto kooxda Al Shabaab.

Geestooda shacabka ayaa iyaguna ballan qaaday inay kasoo baxayaan kaalintooda, oo ay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya kala shaqayn doonaan la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Gabagabadii, Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiintii kale ee socdaalkan ku wehelinayay ee dhinaca dowlad degaanka Soomaalida ayaa habeenkii xalay ahaa u hoyday magaalada Godey oo ah magaalo madaxda labaad ee dowlad degaanka Soomaalida.