5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 20, 2022
Shacabka degmada Kaaraan oo qabtay labo nin oo askari katirsan ciidanka Booliiska ku dilay degmadaas

Khamiis, October, 20, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in laba nin oo katirsan Alshabaab oo degmada Kaaraan askari ku dishay ay qabteen shacabkii goobta ka dhawaa.

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay shacabku iyagoo wadda labadan nin iyo hubkii ay dilka ku gaysteen inay ku wareejiyeen ciidamada ammaanka ee Kaaraan.

Taliyaha wuxuu sheegay inay tahay markii labaad oo shacabku gacanta kusoo dhigaan dabley ka kala tirsan Shabaab iyo Daacish.

“Askari katirsan ciiddanka ammaanka ayay argigxisadu si gaadmo ah ku dileen. Laakiin ummadda Soomaaliyeed oo aad u baraarugsan ayaa iyagu raacdaystay, gacantana kusoo dhigay, kunasoo simay gacanta ciidamada,” ayuu yidhi afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay tallaabadan inay muujinayso dhiirrinaanta shacabka iyo in meesha ka baxday cabsidii Shabaab iyo Daacish dadku ka qabeen.

Wuxuu sheegay in si degdeg  ah dhawaan sharciga loo horkeeni doono eedeynayaasha.

Dhowaan ayay ahayd markii suuqa Bakaaraha lagu qabtay nin lagu sheegay inuu katirsan yahay ururka Daacish, kaasoo isagoo rabay inuu dilo qof kale gacanta lagusoo dhigay.