5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 19, 2022
20 Guuradda Hay’ada Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada Afrika ee New England (ACEDONE)

Arbaco, October, 19, 2022 (HOL) Hay’ada Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada Afrika ee New England (ACEDONE) ayaa todobaadkaan u dabaal tagtay sanadguuradeedii 20aad markii la aasaasay.

Xafladd aad u balaaran oo ay ka soo qaybgaleen madaxda gobolka Massachusetts iyo tan Magaaladda Boston oo ay ku weheliyeen marti sharaf kala duwan oo kala timi gobolada dalkaan Maraykanaka & Canada oo ugu horeeyeen badi  Siyaasiinta labadaas dal ee Soomaalida ah ayaa kulamo kala duwan kala qaybgalay ACEDONE xuskooda


Aasaasaha iyo Madaxa sare ee ACEDONE Cabdiqaadir Yaasiin Xuseen (Abdul) ayaa u mahadceliyey marti sharafta waxuuna HOL u sheegay Mr Abdul in hadafka ay labaatanka sano ku shaqeeyeen hay’adaana u aasaaseen waxuuna yiri Hadafkayagu waa inaan iskaashi la samayno qoysaska si aan u caawino qaxootiga Afrikaanka ah iyo soo-galootiga Boston & agagaarkeeda si aan u horumarino isku filaansho dhan walba ah bulshodeena anagoo muhiimada siinayna  dhalinyaradeena xaga  waxbarasho iyo waayo-aragnimo nololeed si ay ugu koraan bulsho ahaan, xirfad ahaan, iyo dhaqaale ahaanba.


  Waxaa Xafladda laga daawaday wax qabadka ACEDONE labaadankii sano ay shaqaynaysay waxaa goobta ku sugnaa oo ka marqaati kacaayeyey waxqabadkeeda Dhaqaatiir Macalimiin ay furaha guusha u aheed hay’adaan , iyagoo xiligaan aqoonyanada dhalinyarada ah ee ay soo barbaariyeen ka shaqaytaan gobolada kala duwan ee dalkaan maraykanka iyadoo muuqaalka ada laga daawanaayey xafladda aad ku araysay dhalinyaradaas oo aad u da’a yar oo markaas qayb ka ahaa barnaamijyada ay ACEDONE hore u qaban jirtay.


Intii lagu guda jiray Dabaaldaga sanadguurada 20aad ee ACEDONE ayaa hay'adani waxay kulamo u qabatay siyaasiinta Soomaalida ah ee dalkaan Maraykanaka iyo Canada ee Boston ku sugnaa iyagoo gorfeeyey sidii loo horemarin lahaa Bulshadeena xaga Waxbarashada , la qabshada siyaasada sidii awood ugu yeelan lahaayeen bulshada oo midaysan ka qaybqaadashada hormarka bulshada ay la nool yahiin, sidii ay uga bai lahayeen nolosha faqriga ah qayb wayna uga noqon lahaayeen dabaqada dhaxe ee nolosha , waxay siyaasiintaan is dhaafsadeen afkaaro qoto dheer oo horemar u horseedi kara nolosha Soomaalida gobolada kala duwan ee Waqooyiga Ameerica.


Siyaasinta & madaxda kala duwan ee kulamadaas qayb ahaa ayaa kala ahaa Omar fatah oo Xildhibaan aqalka Sare ee Minnesota ku jira, Kayse Jama oo aqalka Sare Oregon State ka mid ah ,Nafiso Fia oo ah Washington County Commissioner gobolka Oregon, Faysal Xasan  oo xildhibaan ka ahaa 4 sano ee la soo dhaafay York South Weston gobolka  Ontario Canada, Cali Ducaale waa siyaasi Canada ka ah oo loo doortay Golaha sare  Nova Scotia ee doorashada guud ee Nova Scotia 2021. Wuxuu matalaa Halifax Armdale isagoo xubin ka ah Xisbiga Liberal Nova Scotia

Deeqa Dhalac oo a haweenay Soomaalida ee ugu horeeysay oo  Duq Magaalada xil qabata iyadoo ka ah magaaladda  South Portland Maine,  Maxamed Cabdi xubin gole degaan Tukwila Washington , Maxamed Cali Cigaal Xubin gole deegaan Sea Tac Washington , Awale Cabdulahi Farax xubin gole waxbarasho ka ah King County Washington, Ismaaciil maxamed oo Baarlamaanka Ohio u sharaxan , Samakaab Xuseen oo isaguna Baarmalaanka Minnesota u sharaxan , Mahad Cali Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee canada Mahad Cali, Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Norway Maxamed Cabdiqaadir iyo marti sharaf kale oo farabadan.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online