5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 19, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu dilay guddoomiyahii degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, October, 19, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay guddoomiyahii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof oo loo yaqiinay Dabaashe.

Qaraxa lagu dilay guddoomiye Dabaashe oo loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in lagu weeraray xili uu kasoo baxaayay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana qaraxa sidoo kale ku dhintay askar ilaalo u aheyd guddoomiyaha iyo dad shacab oo ka ag dhawaa goobta.

Qaraxaan Ismiidaaminta ah ee lagu dilay guddoomiyahii degmada Jalalaqsi ayaa lasoo sheegaya inay isku xili dhaceen qarax kale oo Ismiidaamin ahaa oo galabta lagu burburiyay qeyb ka mid ah Buundada degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, islamarkaana waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah u geystay dad shacab ah oo maraayay Buundada xiliga uu qaraxa dhacaayay.