5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 19, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu burburiyay qeyb ka mid ah Buundada degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, October, 19, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xoogan ka dhacay bartamaha Buundada degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa jugtiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha degmada Buulaburte, waxaana goojoogayaal la hadlay Shabakada HOL ay sheegeen inuu ahaa qaraxa gaari noociisu yahay Homey oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasoo lagu burburiyay qeyb ka mid ah Buundada degmada Buulaburte oo aheyd mid muhiim u ah isku socodka gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaayay in Buundada ay ka go’aday dhaxbartankeeda, islamarkaana xiligaan aysan mari karin wax gaadiid ah, waxaana sidoo kale jira khasaaraha dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa oo ka dhacay bartanka Buundada Buulaburte, hayeeshee si rasmi ah wali looma ogaan khasaaraha nafeed ee qaraxa uu geystay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka degmada  Buulaburte ayaa tagay halka uu qaraxa ka dhacay, hayeeshe wali maysan ka hadlin qaraxaan khasaaraha kala duwan geystay.

Qaraxaan ayaa u muuqda inuu ahaa ujeedkiisa mid la doonayay in lagu dumiyo Buundada degmada Buulaburte marka loo eego halka gaariga Ismiidaaminta ah lagu qarxiyay oo aheyd bartanka Buundada dhexdeeda.

Lasoco wixii kusoo korsha wararkan.