5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 19, 2022
Duqeymo culus oo Maanta ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, October, 19, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Jiciboow oo geysteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo ay wehlinayeen kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Duqeynta ayaa la sheegay in ciidamada ay si gaar ah ula beegsadeen dhul buuraley ah oo deegaanka Jiciboow u jira 2 KM, halkaaso la sheegay iney fariisino ka sameysteen ciidamo ka tirsan Shabaab oo isku aruursanaayay.

Weerarkaan duqeynta ah ee ciidanka DANAB iyo kuwa Jabuuti ay ku qaadeen degaanada u dhow Jiciboow ayaa waxaa hoggaaminayay taliye kuxigeenka Ciidanka DANAB iyo Saraakiil kale oo Jabuutiyaan ah.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta Maanta ka dhacday agagaarka Jiciboow ee gobolka Hiiraan waxaana degaanada la duqeeyay oo ah dhul buuraley ah ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Masuul ka tirsan maamulka degmada Buulaburte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeynta Maanta ay qeyb ka tahay dagaalada lagula jiro Al-shabaab, waxaana duqeyntaani ay noqoneysa midii labaad ee ka dhacda buuraha ku yaala agagaarka deegaanka Jiciboow oo lala beegsanayo dagaalamayaasha Shabaab.