5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 19, 2022
Masar oo qorshaynaysa inay kumanaan askari u tababarto dowladda Soomaaliya muddo kooban

Arbaco, October, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Masar ayaa lagu warramayaa inay qorshaynayso inay kumannaan askari u tababarto dowladda Soomaaliya, arrintaas oo la sheegayo inay qeyb ka tahay socdaaladii uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Masar.

Warar kale oo warbaahinta caalamku qorayso waxay sheegayaan in Masar ciidamadan ay ka leedahay qorshayaal siyaasadeed, xilli uu cirka isku sii shareerayo loolanka dhanka awoodda ah ee kala dhaxeeya dowladda Itoobiya.

Saraakiil ka socday Masar oo gaaray Muqdisho ayaa la sheegayaa inay halkaas u tageen sidii ay dowladda Soomaaliya u saxiixi lahayd heshiis kumannaan askari loogu gudbin doono dalka Masar si ay tababar ciidan ugu soo qaataan.

Tirada hadda la sheegay inay Masar tababarayso waa 8,000 oo askari. Ma xaqiijin karno in dowladda Soomaaliya dalabkeeda lagu tababarayo iyo in dowladda Masar ay wadato qorshahaan.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay xilka madaxtinimada bishii May ee sanadkan, waxaa soo ifbaxayay loolan u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo saameyn ku yeelanaya siyaasadda Soomaaliya.