5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 19, 2022
Ra'iisal Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Dhagaxbuur ee dowlad degaanka Soomaalida


Arbaco, October, 19, 2022 (HOL) - Wafdigii uu hoggaaminayay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maalmahan ku sugnaa magaalada Jigjiga ayaa maanta gaarey magaalada Dhagaxbuur ee dowlad degaanka Soomaalida.

Booqashadan ayaa waxaa Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha ku wehelinaya masuuliyiinta u sarreysa degaanka Soomaalida oo u horreeyo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Haddaba Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa magaalada Dhagaxbuur kusoo dhaweeyay bulshada kala duwan ee ku nool magaalada Dhagaxbuur, sida Odayaal dhaqameedka, Hooyooyinka, Dhalinyarada iyo dad kale oo aad u badnaa.

Ra'iisal Wasaare Xamse ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhagaxbuur waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka magaalada Dhagaxbuur, Waxgaradka, Culumaa’uddiinka magaalada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhagaxbuur.

Kulamada uu Ra'iisal Wasaare Xamse la yeelanayo bulshada magaalada Dhagaxbuur ayaa u badnaan doona dhanka Amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Booqashadan ayaa kusoo hagaagaysa xilli maalmihii u dambeeyay uu Wafdigu ku sugnaa magaalada Jigjiga, isla markaana kulamo kala duwan uu Ra'iisal Wasaaruhu la yeeshay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga.

Ra'iisal Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa sida qorshuhu yahay waxay Dhagaxbuur uga sii gudbi doonaan magaalooyinka Godey iyo Qabridahare.