5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 19, 2022
Ciidamada dowladda oo Maanta la wareegay deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya degmooyinka Jowhar iyo Raageceele
 

Arbaco, October, 19, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Raageceele iyo Jowhar.

Deegaanada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen saakay ayaa kala ah Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo ah deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo  Raageceele ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in deegaanadaan ay la wareegeen ineysan kala kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid dhanka dagaalamayaasha Shabaab oo horay uga talin jiray deegaanadan saakay lagala wareegay.

Deegaanadaan ayaa la tilmaamay iney yihiin kuwa muhiim ah oo Shabaab u fududeyn jiray isku socodka degmooyinka qaar ee gobolka Sh/dhexe, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay howlgalada la doonayo in ciidamada dowladda ay isugu furaan degmooyinka gobalka Shabeellaha Dhexe.