5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2022
Wafdi culus oo ka socday beesha caalamka oo gaaray Garowe xilli uu muran ka taagan yahay qorshaha doorasho ee Madaxweyne Deni
 

Talaado, October, 18, 2022 (HOL) - Wafdi ballaaran oo ka socday beesha caalamka oo uuhoggaaminayo ergayga gaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, ayna kamid ahaayeen, safiiradda Maraykanka, UK, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Norway  iyo Sweden ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wafdigan ayaa magaalada Garowe kula kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ku xigeenkiisa Axmed Karaash iyo guddiga doorashooyinka, iyagoo ka wada hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee ka dhacaya degmooyinka Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu beesha caalamka u gudbiyay sida ay uga go’an tahay in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo golayaasha deegaan ah, islamarkaana ku dhacda Jawi xasiloon , loo dhanyahay, laguna tartami karo.

Sida madaxtooyadu ay sheegtay, Beesha caalamka waxay muujiyeen in ay ka go’antahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay la garab taaganyihiin hirgelinta nidaamka doorasho ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Kulanka beesha caalamka iyo Puntland ayaa kusoo aaday, iyadoo maanta iyo maalmo kasii horreeyay laga dareemayo Puntland fadqalatooyin loogasoo horjeedo wacyi galinta doorashooyinka soo socda.

Magaalada Bosaso iyo deegaanno kale ayaa laga sameeyay is hor-istaag lagu sameeyay xubno katirsan guddiga doorashada Puntland, kuwaas oo doonayay inay wacyi galinta doorashada dadka gaarsiiyaan.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa inuu qalalaase ka dhasho isku dayga madaxweyne Deni uu ku doonayo inuu doorashooyin kaga qabto 37 degmo, iyadoo ay u harsan tahay hal sano iyo wax ka yar saddex bilood.