5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2022
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegtay inaan la bartilmaamaysan karin xaasaska iyo carruurta Alshabaab
 

Talaado, October, 18, 2022 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa fartay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah Alshabab, in aysan bartilmaamaysan xaasaska iyo carruurta dadka ka tatirsan Alshabaab.  

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa hadalkaan sheegay, isagoo intaas ku daray inaan la dili karin qof aan dambi ku jirin ama isisoo dhiiba.

“Ciidamada waxaan u sheegaynaa siyaasada dowladda, ninkii isdhiibiya waa in lasoo dhoweeya, xaaska iyo carruur loo nisbaynayo Alshabaab waa inaan la dili karin, haddii dambi aysan ku jirin. Maxaa yeelay dowlad baanu nahay, inaan cadowgaas naga qabsaday kasoo fujinaan doonaynaa,” ayuu yidhi  Sarreeye Guuto Caanood

Sarreeye Guuto Caanood wuxuu sheeegay inay ogyihiin in Alshabaab dhallinyaro badan ay qafaasheen si ay u galiyaan dagaalka ay dowladda kula jiraan.

Wuxuu ugu baaqay dhallinyaradan in ay isisioo dhiibaan marka ay dagaalada usoo diraan. Wuxuuna ballanqaaday inay ciidamadu soo dhoweyn doonaan.

Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ku baaqay in la bartilmaameesado qoysaska Alshabaab, si buu yiri loo dareensiiyo dhibaatada Alshabaab ku hayaan shacabka.