5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2022
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo heshiis maaliyaddeed la gaartay Soomaaliya
 

Talaado, October, 18, 2022 (HOL) - Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa  heshiis heer-shaqaale ah la gaartay dowladda Soomaaliya, kaasoo ogolaanaya in lacag dhan 10 Milyan oo doollar lagu siinayo Soomaaliya.

Madaxa IMF Laura Jaramillo ayaa sheegtay in heshiiskan uu yimid ka dib markii ay si toos ah dib u eegis ugu sameeyeen howlaha daynta cafinta Soomaaliya. Waxay ku ammaantay dowladda sida ay ugu adkaysteen isbeddellada dhaqaalaha, abaaraha dabadheeraaday, saameynta dagaalka Ruushka ee Ukraine iyo walaacyada amniga.

“Haddii Soomaaliya ay sii waddo horumarka joogtada ah ee ku aaddan dib-u-habaynta, waxa ay gaari kartaa heer gabagabo ah hannaanka cafinta daynta cafinta caalamiga ah," ayay tidhi Jaramillo.

Laura Jaramillo waxay sheegtay tallaabooyinka ay Soomaaliya waddo inay u oggolaan doonta in ay daynta ka dhigto ku dhawaad 550 milyan oo doolar halka ay ka ahayd $5.2 bilyan.

IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay sii socosho iyo taageero degdeg ah oo ay ka helaan saaxiibada caalamiga ah marka loo eego dhibaatada daran ee cuntada ee hadda jirta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixin ay Hey'adda IMF ka soo saartay natiijada ka soo baxday shirarkii isdabajooga ahaa ay la yesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

" Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sare u qaadida dakhliga gudaha iyado adduunku ay samayn dhaqaale oo xoogaan ka jirto, iyo sidoo kale dhamaystirka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda.