5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2022
Ra'iisal wasaare Xamse "Waxaan idinka baranay runtii sida la isku kaashado ee cadowga la isaga dhiciyo"
 

Talaado, October, 18, 2022 (HOL) - Waxaa habeenkii xalay ahay munaasabad casho sharaf ah loo sameeyay Wafdigii Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maalinimadii shalay ahayd booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida.

Munaasabaddan casho sharafta ahayd ayaa waxaa hadallo kooban kasoo jeediyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, isagoo xusay in hadda aysan degaanka Soomaalida aysan jirin cabsidii wakhtiyo hore jirijirtay, isla markaana degaanku uu haatan nabad yahay.

Waxa kale oo Madaxweyne Mustafe cagjar sheegay in labada dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka wada shaqayn doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Geestiisa Ra'iisal wasaare Xamse ayaa sheegay in dadka kala deggan dowlad degaanka Soomaalida iyo Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah oo wax walba wadaaga, sidaa darteedna aan sinaba ku kala maarmayn oo dano badan ka dhaxayso, waa siduu hadalka u dhigay Ra'iisal wasaaruhu.

Ra'iisal wasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in shacabka degaanka Soomaalida ay Soomaalida inteeda kale ka barteen sida la isku kaashado ee hal dhinac looga soo wada jeedsado sidii cadowga la isaga dhicin lahaa.

" Waxaan idinka baranay sida la isku kaashado oo cadowga la isaga dhiciyo, waxaad sabab u ahaydeen in gabdho badan ay idinkaga daydaan sidii ay gabdhuhu u garab istaageen Ciidamadoodu oo raashinka iyo biyaha ula garab istaageen, sidii si lamid ah in gabdhuhu ay maanta raashinka iyo biyaha ay diyaarado kaga soo qaadaan Muqdisho oo ay Baladweyne iyo Buuleburde u gaarsiiyaan, taas oo keentay guulo waawayn," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Ra'iisal wasaaruhu in dhankooda ay diyaar u yihiin inay sii balaariyaan iskaashiga dhinaca Amniga, Ganacsiga iyo Bulsho oo la sahlo isu socodka dadka ee labada dhinac.