4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 9 , 2022
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ku heshiiyay in sare loo qaado xiriirka labada dal
 

Arbaco, November, 9, 2022 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan xiriirkooda, kaddib wadahadal Jabuuti ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo dhiggiisa Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

RW Xamza ayaa shalay booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Jabuuti, ka dib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti.

Intii uu kulanka socday, RW Xamza ayaa ku ammaanay dowladda Jabuuti gargaarka iyo dhakhaatiirta ay u soo dirtay Soomaaliya si ay u caawiyaan dhibanayaasha qaraxii Zobe-2 ee dhacay dabayaaqadii bishii hore.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa xusay sida ay Jabuuti u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab. Wuxuu sheegay booqashadiisa inay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee labada waddan.

Dalka Jabuuti ayaa qeyb ka ah dalalka ciidamadiisu ku jiraan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Ciidamada Jabuuti ayaa haatan waxay ka taageerayaan ciidamada Soomaaliya howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.