4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 9 , 2022
Ilhan Cumar oo markii saddexaad loo doortay Congress-ka Maraykanka

Arbaco, November, 9, 2022 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan xisbiga dimuqraadiga ee haya talada Maraykanka, ayaa markii saddexaad loo doortay in ay ku matasho degmada Shanaad ee Congress-ka Minnesota.

Ilhaan Cumar oo noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horeeysay ee loo doorto Congress-ka Maraykanka tan iyo 2018, ayaa heshay 51 boqolkiiba codadka.

Waxay ka guulaysatay Samuels oo la tartamayay, isagoo helay codad dhan 48 boqolkiiba.

“Kursigan waa mid u gaar ah qof kasta oo degmadeyda ku nool, iyadoo aan loo eegin qofka uu jecel yahay, sida uu u tukanayo, midabka maqaarkiisa, iyo xitaa sida uu u codeeyo, waana sii wadi doonaa inaan u halgamo dhammaantiin,” ayay tiri Ilhan Cumar markii ay guuleysatay.

Sannadkii 2018-kii, Ilhaan Cumar waxa ay ka mid ahayd labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.