4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 12, 2022
Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka Al-shabaab
 

Sabti, November, 12, 2022 (HOL) - Ku simaha Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho.

Guddoomiye Jeyte ayaa ugu horeyn ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  ugu warbixiyay xaalada guud ee gobolka Hiiraan iyo dagaalada dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in jab xooggan lagu gaarsiiyay degaanada gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa ku boggaadiyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo masuuliyiinta kale ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalada lagula jiro Shabaab, isagoona ku  ammaanay ciidanka dowladda iney har iyo habeen u soo jeedaan sidii guud ahaan dalka looga xurreyn lahaa kooxda Al-shabaab.

Ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ah shaqsiga hormuudka u ahaa kacdoonka ka dhanka ah kooxda Shabaab ee haatan ku faafay guud ahaan dalka  kula dardaarmay in lasii xoojiyo loona midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.