4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 11, 2022
Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyey inay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada
 

Jimco, November, 11, 2022 (HOL) - Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo agaasimaha sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Itoobiya (NISS) Temesgen Tiruneh Dinku ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in kooxaha Argagixisada laga sifeeyo geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada.