4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 10, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo kala diray golihii dhaqaalaha qaranka
 

Khamiis, November, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kala diray golihii dhaqaalaha qaranka, kadib markii uu sheegay inuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo golahan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddi cusub oo ka kooban 9 xubnood oo uu hoggaaminayo Xasan Aadan Hoosow oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha ee dhinaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku magacaaban guddoomiyaha Golahan, halka uu guddoomiye ku xigeen ka yahay Ra’iisul Wasaaraha. Dowlad goboleedyada, guddiyada dhaqaalaha ee golaha wasiiradda iyo bangiga dhexe ayaa qeyb ka ah marka loo baahdo go'aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sagaal xubnood oo uu ka kooban yahay la taliyayaasha iyo xoghaynta golahan ay hoos imaanaya xafiiska Madaxweynaha.

1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee
Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud

2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin

3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,

4. Adam Xuseen Rooble, Xubin

5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin

6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin

7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin

8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin

9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin