4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2022
Maxaa kasoo baxay kulankii dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga?


Arbaco, Luulyo, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan lagu tilmaamay miro-dhal  la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanka labada madaxweyne diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal, kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah.  Sidoo kale, labada dowladdood waxa ay dhawaan kala saxiixan doonaan heshiisyo ganacsi halka la sii xoojin doono iskaashiga dhinaca amniga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Turkigu uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta amniga , tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka," ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay maalinta berrito ah soo gabagabeeyaan socdaalkooda Turkiga, dalkana dib ugusoo laabtaan.