4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 15, 2022
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo isla meel dhigay heshiis ku aadan xiriirka labada dal
 

Jimco, Luulyo, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Madaxtooyada dalkaasi Kenya ayaa kulan ka yeeshay sidii loo xoojin laha xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa si hordhac ah uga soo baxay natiijooyin muhiim ah oo ay ugu horeyso fusad gaar ah oo Muwaadiniinta Soomaaliyeed u helayaan fududeynta dal ku galka Kenya, iyadoona dib lo soo celiyey duulimaadyada shirkadda Kenya Airways oo si joogta ah u imaandoonta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan in ay dalkaas u dhoofiyaan wax soosaarka kaluunka dalka, waxaana la furayaa soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo qeyb ka ah fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]